4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2021
Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay dayacday amniga guud ee dalka

 

Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - .Iyadoo ay sii kordhayaan qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo kala duwan oo dalka ah ayaa lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay dayacyada wax ka qabashada Amniga guud ee dalka.

Cabdikariin Xusseen Guulleed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in marka la eego qaraxyada iyo weerarrada dalka ku soo badanaya ay muujinayaan in madaxda dalka iyo saraakiisha dowladda intaba ku mashquuleen dhinaca siyaasadda iyaga oo ka sii jeestay wax ka qabashada nabad-galyada.

Maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weerarro qaarkood loo adeegsaday qaraxyo oo lagu dilay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda waxaana ugu danbeeyay qaraxii maanta lala eegtay gaari ay la socdeen xildhibaanno hore oo ay ku dhinteen saddex askari.

Dowladda ayuu ka dalbaday in ay saraakiisha dib ugu celiso howlahooda shaqo, madaama dalku ku jiro xili doorasho oo laga yaabo in laga faa'ideyso.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]