4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2021
Qaramada Midoobay oo ka fekeraysa in qaab kale loo bedelo howlgalka ciidamada AMISOM
 

Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ka fekeraysa jihada cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (AMISOM), kuwaas  toban sano kadib wajaheya mustaqbal aan la hubin iyadoo ay Soomaaliya weli ka jirto xasillooni la'aan.

HOL ayaa ogaatay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu howlgaliyay guddi xaqiiqo raadin ah bishii Ogosto ee la soo dhaafay si ay uga talo bixiyaan wadada loo marayo 19,000 oo ka mid ah ciidamada Midowga Afrika ee haatan ku jira marxaladda ka bixitaanka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday kooxda, Guterres wuxuu heystaa seddex wado oo ku saabsan hannaanka loo marayo mustaqbalka AMISOM.

Qorshayaasha koowaad ee lasoo jeediyay waxaa kamid ah, in AMISOM lagu badalo howlgalka UN taasoo xaqiijin doonta in howlgalka lagu helo maalgelin joogto ah.

Wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa si kala duwan ugu boorriyay UN-ka inay si buuxda ula wareegaan waajibaadka maalgelinta AMISOM iyadoo loo marayo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo leh waajibaadka guud ee ilaalinta nabadda adduunka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]