4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo nasiib darro ku tilmaamay dilkii guddoomiyaha degmada Hodan

 

Khamiis, Janaayo, 21  2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa si adag uga hadlay dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

”Waxaan tacsi  u dirayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdikariin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho.

Hay'addaha Amniga ayuu furay in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah.”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdikarim Dhegajuun uu ku dhintay is-rasaaseyn ka dhacday magaalada Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaya in guddoomiyaha gaarigiisa ay rasaas ku rideen ciidamo ku sugnaa barkootarool oo ku taalada degmada Hodan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]