4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2021
Weerar lagu qaaday kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda ee gobolka Gedo

 

Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar dhabo gal ah ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidanka ayaa waxaa hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Daa'uud oo la sheegay in uu weerarka ku dhaawacmay.

War ka soo baxay maamulka gobolka Gedo ayaa lagu sheegay in ciidanka weerarka lagu qaaday ee dowladda Soomaaliya is difaaceen, islamarkaana khasaare gaarsiiyeen kooxihii weerarka ku soo qaaday.

Weerarada lagu qaado gaadiidka mas'uuliyiinta iyo ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku soo badanayay qeybo ka mid ah gobollada Koonfurta Soomaaliya, waxaana mas'uuliyada weerarradan sheegta xoogagga Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]