4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2021
Joe Biden oo laalay go'aamo uu horay u qaatay madaxweyne Trump

 

Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Joe Biden madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka ee maalintii shalay xafiiska loo dhaariyay ayaa xalay soo saaray go'aamo waaweyn oo uu ku laalayo tallaabooyin uu horay u qaaday madaxweynihii ka horeeyay ee Donald Trump.

Ga'oomada uu meesha ka saaray Mr Biden ayaa waxaa ka mid ah mamnuucidii afarka lagu tagi karo Mareykanka, ee dalalka qaar uu kusoo rogay madaxweynaha isaga xilka uu kala wareegay ee Donald Trump.

Talaabadan ayaa dalalka iyo dadka uu sida weyn u samaayeen waxaa ka mid ahaa Soomaaliya. arrintanna waxaa rajo yeelan doona dad badan oo qaxootinnimo u rajeynayay in ay ku aadaan Mareykanka iyo kuwo baasaboorka Soomaaliga ah ku safri kara.

Waxaa kale oo uu Biden mudnaan siin doonaa in uu Mareykanka ku celiyo heshiiskii isbaddalka Cimilada ee Paris.

Madaxweyne Trump ayaa isugu shalay taggin kana qeybgali munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha cusub ee xafiiska kala wareegay Joe Biden, waxaana isaga iyo waliba qoyskiisa saacado ka hor ay ka huleeleen Aqalka Cad ee Mareykanka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]