4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Cabdisalaan Guuleed'' Waxaan heynaa macluumaad ku saabsan in askar Soomaaliyeed lagu dilay dagaalkii Itoobiya

 

Arbaco, Janaayo, 20  2021 (HOL) - Taliye ku xigeenkii hore ee Sirdoonka Soomaaliya ayaa ku baaqay baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo warka ku saabsan in dhalinyarro Soomaaliyeed laga qeybgaliyay dagaalkii Waqooyiga Itoobiya intooda badanna halkaa lagu dilay.

Cabdisalaam Guuleed ayaa  ayaa sheegay in uu isugu hayo xog ku saabsan dhalinyarrada Soomaaliyeed ee laga qeybgaliyay dagaalka Tigrayga isaga oo intaa ku darray in badan oo ka mid ah dhalinyaradaa in lagu dilay dagaalka.

Dhalinyarradan ayaa la sheegay in ka hor inta aan loo dirin dagaalka in ay tababar u joogeen dalka Eritrea kaddib safar qarsoodi ah oo ay dowladda Soomaaliya ugu gudbisay dhinaca Itoobiya.

Waalidiinta carruurtan la sheegay in loo qaaday dagaalka oo hadlay ayaa sheegay in ay wax war ah ka heynin meel ay caruurtooda ku sugan yihiin, dowladdana ilaa iyo hadda aysan wax jawaab ah ka siinin,.

Guuleed wuxuu sheegay in ay jiraan  taliyayaal ka tirsan ciidanka Itoobiya oo la wadaagay maclumaadka iyo warka arintan ku saabsan ee ah in Askar Soomaaliyeed ku lug lahaayeen dagaalkii Waqooyiga Itoobiya.

“Ma jirto waddo ay taliyeyaashan Itoobiya ay been iigu sheegaan, askarta Soomaalida ee ka barbar dagaalamaysa ciidamada Eriteriya oo ay hogaamiyaan saraakiisha militariga Eritrea ayaa lagu dilay dagaalkii ka dhacay Tigray,” ayuu yiri Guuleed. "Waxaan u maleynayaa sababta loo diley askartan tirada badan in ay qayb ka tahay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, khibrad la'aan, aqoon la'aan ku saabsan aagagga lagu dagaallamayo iyo taliyayaasha Ereteriya oo aan waligood ka fikireynin khasaaraha askarta Soomaaliya."

Ku-xigeenkii hore ee sirdoonka ayaa ka falcelinayay hadalkii wasiirka Warfaafinta Cismaan  Dube oo beeniyay warku saabsan in Askar Soomaaliyeed lagu laayay dagaalkii Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegay in warka ku saabsan in askar Soomaali ay dowladdu u dirtay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Waqooyiga Itoobiya uu yahay mid been abuur ah oo la siyaasadeynayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]