4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2021
Goodax '' Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn oo ay gali lahaayeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

 

Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay warka sheegaya in lagu laayay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Waqooyiga Itoobiya dhalinyarro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea.

Goodax ayaa sheegay arin aad u fool xun, murugo iyo mas'uuliyad darro aan qiil laheyn ku tilmaamay tallaabada dhalinyarrada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay looga qeybgaliyay dagaalka Itoobiya, waxaana ay arintan keeni doontaa ayuu yiri in la waayo dhalinyarro naftooda u hibeeya in ay qeyb ka noqdaan ciidanka difaaca Qaranka.

'' Ma jirto qiyaano Qaran oo ka weyn dambiga laga galay Ummadda Soomaaliyeed oo ay qaadayaan  Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin waana lagula xisaabtamayaa'' ayuu yiri Xildhibaan Goodax

Warkan arintan ku saabsan ayaa siweyn u qabsaday baraha bulshada, iyadoo la arkayay waalidiin ku dibadbaxaya qeybo ka mid ah dalka kuwaa oo sheegay in ay carruurtooda qeyb ka yihiin dhalinyarrada dowladda u qaaday dalka Eritrea 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]