3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2021
Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo luminaya xuquuqda cod bixinta Golaha Qaramada Midoobay
 

Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in sagaal wadan oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ku jirto iyo dalka Iran inay luminayaan xuquuqdooda codbixinta sida ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay ka dib markii ay iska bixin waayeen xuquuqdooda miisaaniyadda hawlgalka ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud Antonio Guterres ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha Golaha Guud, Volkan Bozkir, ku sheegay lacagta ugu yar ee 10ka dal u baahan yihiin inay bixiyaan si xuquuqdooda codbixinta dib loogu soo celiyo.

Iran ayaa ugu sareysa liiska waxayna u baahan tahay inay bixiso $ 16,251,298. Waxaa ku xiga Soomaaliya, oo ay tahay inay bixiso $ 1,443,640. Comoros $ 871,632, Sao Tome and Principe $ 829,888, Libya $ 705,391, Congo $ 90,844, Zimbabwe $ 81,770, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika $ 29,395, koonfurta Sudan $ 22,804, iyo Niger $ 6,733.

Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu siinayaa 193-ka xubnood ee Golaha Guud, awood uu ku go'aansado in ku guuldareysiga bixinta ay sabab u tahay xaalado ka baxsan awooda xubinimada," taasoo ka caawinaysa inay wax doorto.

Comoros, Sao Tome iyo Principe iyo Soomaaliya waxay ku jiraan dalalka aan weli lagusoo rogin cunaqabayn ka hor istaagaysa xuquuqdooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/19/2021 12:57 PM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - War Qoraal ah oo goor dhaw ka soo baxay Taliska howlgalka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay hoggaamiyayaal caan ah oo ka tirsan Al-shabaab.

1/19/2021 11:21 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Booliska dekedda jasiiradda Giriigga ee Lesvos ee ku taal badda Aegean, ayaa soo badbaadiyay 27qof oo muhaajiriin ah kadib markii doontii ay kaga yimaadeen Turkiga laga daadiyay.

1/19/2021 11:02 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa magaalada Nairobi kula kulmay jaaliyadda reer Hiiraan.

1/19/2021 8:14 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Cabdullahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay warka sheegaya in lagu laayay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Waqooyiga Itoobiya dhalinyarro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea.

1/19/2021 6:11 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - War ka soo baxay guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay n gabi ahaanba diiwaanka Xisbiyada dalkaasi laga saaray TPLF oo ah xisbi ay ku xoogganaayeen hoggaanka Tigrayga ee looga adkaaday dagaalkii dhawaanta ka dhacay Waqooyiga dalka Itoobiya.

1/19/2021 5:57 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Uganda ee qeybta ka howlgalka midowga Africa AMISOM isaga baxeen saldhig ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Mashallaay oo ka tirsan degmada Qoryooley.

1/19/2021 3:08 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - War goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho Cali Maxamed Macalin

1/19/2021 2:45 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Bakool gaar ahaan degmada Tiyeegloow ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah oo ay Mareykanku ka fuliyeen lagu burburiyay xarun Idaacadeed oo ay lahaayeen Al-shabaab.

1/19/2021 12:10 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) -Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku baaqay in xal kama danbeys ah laga gaaro xiisada siyaasadeed ee ka jirta labada gobol Hiiraan iyo Ged oo ka kala tirsan maamul gobolleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

1/19/2021 12:06 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la kulmay xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ku matala gobolka Hiiraan.

1/19/2021 12:04 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay warar soo baxay oo sheegaya in dhalinyarro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ka qeyb qaateen laguna laayay dagaalkii dhaxmaray ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo TPLF