4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2021
Ciidamada Uganda oo isaga guuray saldhig ay ka degenaayeen gobolka Shabeelaha Hoose

 

Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Uganda ee qeybta ka howlgalka midowga Africa AMISOM isaga baxeen saldhig ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Mashallaay oo ka tirsan degmada Qoryooley.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen ciidanka Uganda oo qalabkooda militari ka guranaya saldhiga, lamana oga sababta xiligan keentay in ay isaga baxaan xarunta oo ay degenayeen tan iyo 2014kii.

Al-shabaab ayaa la sheegay in markiiba ay gudaha u soo galeen xarunta ay baneeyeen ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

Shabeellaha Hoose waxaa ku badan weerarrada xoogagga ururka Al-shabaab ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku laeeyihiin gobolka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]