4/17/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo danjirayaal ka guddoomay warqadaha aqoonsiga


 

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger.

Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-Qayd, isagoo uga mahadceliyey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran.

Danjire Salaax Axmed Juneyd ayaa tilmaamay in uu dadaal ku bixin doono xoojinta taageerada iyo garab istaaga dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna bogaadiyey horumarka wax ku oolka ah ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sido kale, Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger ayaa u gudbiyey Madaxweynaha dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Guy Parmelin, oo ku saabsanaa in dalkaasi uu saaxiib dhaw la yahay shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu kala dhexeeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay danjireyaasha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga, saaxiibtinimada iyo wax-wada-qabsiga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  












Click here
1/18/2021 12:47 PM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Ergadii xaqiiqo raadinta eedeymaha ku saabsan xadgudubyada dhuleed ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay howshoodii ku aadanayd u kuur-galka waxa ka jira xad gudubyada Soomaaliya ay ku eedeeysay Kenya.

1/18/2021 10:03 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faroontoon ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeeray safiirkii hore Mareykanka u joogay Soomaaliya Stephen M. Schwartz kaasoo sheegay in la joogo waqtigii uu Mareykanka ka furan lahaa qunsuliyad Somaliland.

1/18/2021 9:58 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha guddiga KMG ee Rungta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaarradda iyo Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar

1/18/2021 9:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho uga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

1/18/2021 9:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Maleeshiyaad hubeysan ayaa barqanimadii maanta ku dilay deegaanka Ceel habreed oo ku yaala xaduuda ay wadagaan Itoobiya iyo Hiiraan wade gaari oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdixakiin Xaanshi.

1/18/2021 7:21 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa hooyo Luul Cusmaan ku wareejiyay wiilkeeda oo muddo ku xernaa xabsiga dhaxe ee Xamar kadib markii lagu xukumay kiis la xiriira xatooyo hanti Qaranku leeyahay.

1/18/2021 4:08 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay hannaankii loo maray in xasaanada looga qaado 8 xildhibaan oo katirsan barlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo horaantii bishii December ee sanadkii hore xilka laga xayyuubiyay.

1/18/2021 12:27 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Mas'uuliyiinta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dagaal saf ballaaran ah oo lagu qaadayo xoogagga Ururka Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah dhulka uu maamulkan ka arimiyo.

1/18/2021 12:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Ninkan oo lagu magacaabo Alexei Navalny islamarkaana ah hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalkaasi Rushka kaddib markii sida lagu waramayo diyaaradii siday ay ku soo digtay garoonka diyaaradaha Moscow,

1/18/2021 12:09 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Saraakiisha Militariga Mareykanka ayaa sheegay in labo cisho ka hor la dhameystiray ka bixista ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya oo ku beegneyd waqtigii kama danbeysta aheyd ee madaxweyne Donald Trump uu u qabtay