3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021
Galmudug oo ku dhawaaqday dagaal ballaaran oo ka dhan ah Al--shabaab

 

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL)  - Mas'uuliyiinta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dagaal saf ballaaran ah oo lagu qaadayo xoogagga Ururka Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah dhulka uu maamulkan ka arimiyo.

Wasiirka Wasaarradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya oo isugu jira kuwa militariga iyo nabadsugida intaba diyaar u yihiin in ay Al-shabaab kula dagaalamaan deegaannada ay hadda gacanta ku hayaan.

Maalmihii aynu soo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah gobolka dagaal culus ku dhaxmareen dadka deegaanka iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab oo sidoo kale la wareegan gacan ku heynta qeybo ka mid ah degmooyin ka tirsan gobollada Galguduud iyo Mudug oo ay maamusho Galmudug.

Al-shabaab ayaa bilihii ugu danbeeyayba siweyn ugu sii xoogeysanayay gobollada gobollada dhaca bartamaha Soomaaliya kaddib markii ay isaga soo carareen duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ee Koonfurta Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  















Click here
1/18/2021 12:47 PM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Ergadii xaqiiqo raadinta eedeymaha ku saabsan xadgudubyada dhuleed ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay howshoodii ku aadanayd u kuur-galka waxa ka jira xad gudubyada Soomaaliya ay ku eedeeysay Kenya.

1/18/2021 10:12 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger.

1/18/2021 10:03 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faroontoon ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeeray safiirkii hore Mareykanka u joogay Soomaaliya Stephen M. Schwartz kaasoo sheegay in la joogo waqtigii uu Mareykanka ka furan lahaa qunsuliyad Somaliland.

1/18/2021 9:58 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha guddiga KMG ee Rungta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaarradda iyo Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar

1/18/2021 9:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho uga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

1/18/2021 9:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Maleeshiyaad hubeysan ayaa barqanimadii maanta ku dilay deegaanka Ceel habreed oo ku yaala xaduuda ay wadagaan Itoobiya iyo Hiiraan wade gaari oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdixakiin Xaanshi.

1/18/2021 7:21 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa hooyo Luul Cusmaan ku wareejiyay wiilkeeda oo muddo ku xernaa xabsiga dhaxe ee Xamar kadib markii lagu xukumay kiis la xiriira xatooyo hanti Qaranku leeyahay.

1/18/2021 4:08 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay hannaankii loo maray in xasaanada looga qaado 8 xildhibaan oo katirsan barlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo horaantii bishii December ee sanadkii hore xilka laga xayyuubiyay.

1/18/2021 12:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Ninkan oo lagu magacaabo Alexei Navalny islamarkaana ah hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalkaasi Rushka kaddib markii sida lagu waramayo diyaaradii siday ay ku soo digtay garoonka diyaaradaha Moscow,

1/18/2021 12:09 AM EST
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Saraakiisha Militariga Mareykanka ayaa sheegay in labo cisho ka hor la dhameystiray ka bixista ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya oo ku beegneyd waqtigii kama danbeysta aheyd ee madaxweyne Donald Trump uu u qabtay