4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Soomaalida Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ka cabanaya Booliiska Kenya

 

Axad  Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Iyadoo uu jiro Bandow saaran xiliyada habeenkii guud ahaan dalkaasi Kenya, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya cabasho xooggan oo dadka xaafaddaha Islii gaar ahaan ganacsatada ka muujinayaan ciidamada Booliiska ee u xil saaran hergalinta Bandowga.

Ganacsatadan oo qaarkood  la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in Booliisku kula kacaan garaacis iyo jirdil ka hor inta aan la gaarin xiliga Bandowga iyaga oo arintaa marmarsiiyo uga dhiganaya in ay jabiyeen go'aanka dowladda.

Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegay in ay dadkan u isticmaalaan sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala diraan ama uga kaxeeyaan ganacsiga.

Waxey sheegeen in ay u hogaasan yihiin amarka dowladda laakiin ciidamadu ay bilaabaan howlgalkooda ka hor inta la gaarin xili Bandowga oo ka bilaabanaya 10 :00 pm habeenimo . 

Mas'uuliyiinta u xil saaran dhinaca nabad-galyada xaafadda Islii oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in ay ka war hayaan cabashada dadka ganacsatada ah ee ku dhaqan xaafadda ee ka dhan ka ah ciidamada Booliiska arintanna gaarsiinayaan hay'addaha Amniga ay arintani quseyso.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]