4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Ganacsato Soomaaliyeed oo dalka Turkiga ka hirgaliyay shirkad dharka soo saaridoonta


Axadi, Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Munaasabad lagu daah furayay warshad dharka soo saaraysa oo ay ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Turkisha hirgaliyeen ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalkaas, waxaana ka qeyb galayay qurbo joogtada Soomaaliyeed iyo guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga.

Shirkaddan oo lagu magacaabo Labbis waxay soo saaridoontaa dharka nuucyadiisa kala duwan, waxayna sidoo kale dadka Soomaaliyeed ka caawindoontaa in ay ufududayso dalabyada dharka ay soo saaarayso ee loo iibgeynayo Soomaaliya iyo dalalka kale.

Guddoomiyaha shirkadda Labbis, Daahir Cali Kulmiye iyo Abubkar Maxamed Cumar oo kamid ah boodhka shirkadda, ayaa sheegay wax soo saarka ugu horeeya ee shirkaddu qabanayso, in ay tahay soo saarista dharka ciida    

“Marka hore waxaan rabnay inaan daahfurno shirkadda oo dhamystiran, balse marka aan aragnay baahida dharka Ciidda, waxaan dardar galinay inaan daahfurno shirkadda qeybteeda soo saaridoonta dhammaan dharka Ciidda,” ayuu yiri Abuubkar.

Guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee Ankara iyo dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa soo dhoweeyay shirkaddan cusub, iyagoo sheegay in ay sharaf u tahay in Soomaalidu maalgashi ku sameysto Turkiga.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee turkiga Sheikh Maxamed Maxamuud, ayaa bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgaliyay shirkaddan cusub ee dharka soo saaraysa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]