4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Madaxweynaha Koonfur galbeed oo ku baaqey gargaar bini'aadanimo oo deg deg ah oo la gaarsiiyo gobolka Bakool
 

Axadi, Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha koonfur-galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Garen ayaa ku boorriyay dowladda federaalka, hay'adaha Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasha bani'aadamnimada inay si deg-deg ah u soo farageliyaan gobolka Bakool.

Codsigiisa ayaa yimid kadib markii uu booqday magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

"Waxaan ka codsanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay'adaha Qaramada Midoobay iyo Wada-hawlgalayaasha Bani'aadamnimada, & Deeq-bixiyeyaasha, in si deg-deg ah loo soo farageliyo xaaladda bani'aadamnimo ee Bakool si loo badbaadiyo nolosha dadka," ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Wuxuu sheegay in gobolku wajahayo cunno yari ba'an sababta oo ah kooxda Shabaab oo go'doomisay sanadihii la soo dhaafay.

Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya magaalooyinka waaweyn ee gobolka gobolka Bakool, laakiin Al-Shabaab ayaa gacanta ku haysa baadiyaha taas oo sababtay dhibaato bina-aadamnimo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]