3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Jigjiga : Xaflad loo qabtay ardaydii dhibcaha sare keentay ee Mac'hadka Darul xikma oo Jigjiga lagu qabtay
 

Axad Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Waxaa maanta hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Jigjiga lagu qabtay xaflad loo qabtay ardayda dhammaysatay heerka koowaad ee Mac'hadka Daarul xikma.

Xafladdan ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin kasocotay dhanka dawladda sida Wasiirka Madaxtooysda Xasan daadhi, Wasiirka Waxbarashada ee DDS Faatax Maxamed iyo sidoo kale Mas'uuliyiinta Xafiiska Golaha sare ee Islaamka ee DDS oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Golaha sare ee Islaamka ee DDS Sheekh Axmed Aabi iyo madax kale, Culimada Degaanka iyo  marti sharaf kale.

Ardaydan oo tiradoodu dhamayd 33 arday ayaa waxay dhammaysteen qaybaha ay u kala baxdo luuqadda carabigu oo ay dhiganayeen muddo hal sano ah.

Mac'hadkan Darul xikma oo ah mac'hadkii u horeeyay ee noociisa ah ee degaanka laga hirgaliyo ayaa waxaa hadda ku xaraysan arday gaaraysa 33 arday oo laga soo kala qaaday 11ka Gobol ee degaanku ka kooban yahay, iyadoo gobolkiiba laga soo qaaday 3 arday.

Mac'hadkan Darul xikma oo jira muddo hal sano ah ayaa ah Mac'had lagu hoydo oo jiifkii iyo cuntadii ardayda diyaar ugu yihiin, wuxuuna ardaygu ku qalin jabinayaa muddo 5 sano ah.

Ardayda maanta dhibcaha sare keenay ee abaalmarinta lasiinayay ayaa waxaa kamid ahaa 6 arday oo agoon ah.

Tan iyo intii isbaddalku degaanka ka hirgalay ayaa waxaa dib usoo noolaatay raadkii ay diintu ku lahayd degaanka, waxaa dib loo sameeyay goobo lagu barto diinta Islaamka, waxaa dib u howlgalay madaaris xilliyadii hore albaabada la isugu dhuftay. Waxaana si guud degaanka looga dareemay dhaqdhaqaaqa iyo dadaalada dhanka diinta oo markii hore iyo wakhti xaadirkan uu farqi wayn u dhaxeeyo.

Abdilahi Jawhr
Hiiraan Online












Click here
1/17/2021 12:23 PM EST
Axad Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe.

1/17/2021 9:57 AM EST
Axadi, Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa digniin u diray dad uu sheegay in ay caadeysteen dano siyaasadeed oo lagu kicinayo bulshada iyagoo baraha internet-ka u adeegsanaya si khaldan.

1/17/2021 9:49 AM EST
Axadi, Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Shirkii u horreeyay oo la xiriira Dib u eegista ,Qiimeynta iyo Dib u habeynta Qaabdhismeedka Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda ayaa maanta ka furmay caasimadda Muqdisho, iyadoo uu daahfuray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

1/17/2021 8:35 AM EST
Axad Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu qaado dhamaanba xayiraadaha dhinaca socdaalka ah ee saaran dadka ka imanaya wadamada muslimka ah islamarka uu xilka la wareego.

1/17/2021 7:50 AM EST
Axad Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Iyadoo uu jiro Bandow saaran xiliyada habeenkii guud ahaan dalkaasi Kenya, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya cabasho xooggan oo dadka xaafaddaha Islii gaar ahaan ganacsatada ka muujinayaan ciidamada Booliiska ee u xil saaran hergalinta Bandowga.

1/17/2021 7:23 AM EST
Axad Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Cali Mahdi Maxamed oo mar dalka madaxweyne ka soo noqday ayaa isaga oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu ka digay sida uu hadalka u dhigay balaayo laga yaabo in ay dalkan ka dhacdo haddii aan doorasho la qaban ka hor 8 bisha February oo ku eg muddo xileedka dowladda hadda ka jirta.

1/17/2021 7:20 AM EST
Axadi, Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Munaasabad lagu daah furayay warshad dharka soo saaraysa oo ay ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Turkisha hirgaliyeen ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalkaas, waxaana ka qeyb galayay qurbo joogtada Soomaaliyeed iyo guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga.

1/17/2021 6:55 AM EST
Axadi, Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha koonfur-galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Garen ayaa ku boorriyay dowladda federaalka, hay'adaha Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasha bani'aadamnimada inay si deg-deg ah u soo farageliyaan gobolka Bakool.

1/17/2021 3:08 AM EST
Axad Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Xarrakada Al-shabaab ayaa war ka soo saartay weerar xoogan oo deegaanka Tixsiile lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii iyo saraakiil ciidan

1/17/2021 2:42 AM EST
Axad Janaayo, 17, 2021 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qarax xooggan deegaanka lagu magacaabo Tixsiile lagula eegtay gaadiid kolonyo ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii.

1/17/2021 12:22 AM EST
Axad, Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo ku sugan degmada Xudur ayaa kulan la yeeshay maamulka iyo waxgaradka qeybo ka mid ah deegaannada gobolka Bakool

1/17/2021 12:13 AM EST
Axad, Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Dadka deegaanka Husungow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in saacadihii aynu soo dhaafnay maqlayeen dhawaqa madaafiic ka dhaceysa qoriga hoobiya oo lagu tuurayo xero ay degen yihiin ciidamada Kenya ay qeybta ka ah AMISOM.