3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2021
Museveni oo ku guuleystay doorashadii Uganda

 

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) -Yoweri Museveni  ayaa ugu danbeyntii ku guuleystay doorashadii dalka Uganda isaga oo codadkii la dhiibtay helay 59 %, waxaana natiijada doorashadan dood ka keenay siyaasiga da'da yar ee lagu magacaabo Bobi Wine.

Bobi Wine oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sheegay in uu hayo cadeymo dhab ah oo muujinaya in lagu shubtay doorashada, isaga oo xitaa loo diiday sida uu hadalka u dhigay in uu gurigiisa ka baxo.

Robert Kyagulanyi, oo caan ku ah magaca Bobi Wine ayaa ah shaqsi siweyn looga jecel yahay dalka Uganda oo ah fannaan iyo jilaa laakiin markii danbe isku badalay siyaasi siweyn uga soo horjeeda siyaasada madaxweynaha hadda tallada haya.

Waxaa jira shaki weyn oo la xiriira habka tirinta codadka oo saameyn weyn ku yeeshay khadka Internetka oo gabi ahaanba hawada laga saaray.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    





 













Click here
1/16/2021 12:36 PM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Nicodemus Musyoki Ndalana, Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha Mandera Ali Roba oo sheegay in 50 % Al-shabaab maamulaan degmada.

1/16/2021 9:49 AM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Guddiga Puntland u xilsaartay kasoo talo bixinta qiimo dhaca ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga ayaa galabta soo saaray go’aamo wax looga qabanayo dhibaatada ka dhalatay sicirka bararka dollarka iyo diidmada shilin Soomaaliga.

1/16/2021 8:21 AM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa gaaray magaalada degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ay ka jirto xaalad nolaleed oo aad u adag.

1/16/2021 8:04 AM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta furaha gurigiisa ku wareejiyay muwaadin Soomaaliyeed oo muddo 30 sano ah laga heystay.

1/16/2021 6:18 AM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Awdal ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee saakay xabsiga loo taxaabey Afar Wariye oo ka howlgalayay magaalada Boorame.

1/16/2021 4:52 AM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda wali ku raad joogaan maleeshiyaad shan ruux ku dishay deegaan hoostaga degmada Balanbale.

1/16/2021 3:39 AM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya aay dhibaatooyin kala duwan ka geystaan deegaano ka tirsan gudaha gobolka Hiiraan.

1/16/2021 3:17 AM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Diowladda Jabuuti ayaa cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ku yaala gobolka Tajura waxaana ay ku baaqday dib loo soo celiyo xasiloonida gobolka.

1/16/2021 12:08 AM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya u tababartay 113 askari oo ah dufcadii ugu dambeysay oo qeyb ka ah guud ahaan 500 askari oo qeyb ka qaadandoona la dagaalka Alshabaab iyo xaqiijinta xasilloonida dalka.

1/16/2021 12:04 AM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - labo sano ayaa kasoo wareegtay weerarkii Al-Shabaab ay weerartay hoteelka Dusit D2 ee bartamaha magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dileen 22 qof.

1/16/2021 12:03 AM EST
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa lagu wadda in saacadaha soo socda uu safar deg deg ah ugu anbabaxo degmada Xudur ee gobolka Bakool.