4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2021
Ciidamada dowladda oo baadigoob ku haya maleeshiyaad dad shacab ah ku laayay gobolka Galguduud

 

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda wali ku raad joogaan maleeshiyaad shan ruux ku dishay deegaan hoostaga degmada Balanbale.

Howlgalkan oo soconaya tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu dilkan dhacay ayaa sheegay in ay fulinayaan amarka madaxda ugu sarreysa dalka oo faray laamaha Amniga in gacanta lagu soo dhiggo maleeshiyaadka dilka geystay.

Dhawaan guddoomiyaha maxkamada sare Col Cali Nuur Shuute ayaa amar in deg deg loo soo qabto dadka ka danbeeyay dilka shanta ruux ee rayidka ah si cadaalada loo mariyo.

Sidoo kale mas'uuliyiinta Galmudug ayaa iyaguna arintan guddi u saaray si wax looga qabto xiisad arinta ka dhalan karta dhinaca kalana loo helo kuwii toogashada ka danbeeyay.

Halka dilkan uu ka dhacay ayeey maleeshiyaad hubeysan bishii November ee sanadkii ina dhaafay waxaa ay ku dileen saraakiil ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]