3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2021
Ciidamada Mareykanka oo maanta gabi ahaanba isaga baxaya Soomaaliya

 

Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Maanta oo Jimco 15 January ayaa ku beegan waqtigii kama danbeysta ahaa ee madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu u qabtay in ku dhawaad dhamaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Soomaaliya laga soo saaro.

Amarka madaxweynaha ayaa dhaqan-galiyay 15 bishan January 2021 oo ku beegan maanta, waxaana la filayaa in ay dalka ka baxaan 700 oo Askari Mareykan ah, kuwaa oo qaarkood la geyn doono wadamada dariska ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ka bixintaanka ciidamadeeda ee Soomaaliya micnaheedu aheyn in ay qaadatay wajahad kale balse ay sii wadi doonto garab istaaga iyo waliba taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee ugu danbeeyay ayaa gudaha dalka Soomaaliya soo galay sanadkii 2007dii iyaga oo dowladda Soomaaliya ka caawinaya dhinaca tababarka ciidamada iyo la dagaalanka xoogagga ururka Al-shabaab.

Ka bixintaanka ciidamadan ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale marka la eego lagu soo aaday xili maalmo yar ay ka harsan tahay munaasabada xil wareejinta madaxweynaha dalka Mareykanka uu xilka ku wareejinayo madaxweynaha cusub ee la doortay Mr Baden.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    

 

 
















Click here
1/15/2021 11:27 AM EST
Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Maxamuud Muuse Xassan oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in saacadihii hore ee maanta dalka Mareykanka laga masaafuriyay ilaa 70 ruux oo Soomaali ah.

1/15/2021 6:48 AM EST
Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha tallada haya ee dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku horeeya codadka ilaa iyo hadda la tiriyay isaga waxaana ku soo xigga fannaanka da'dada yar ee sida weyn ay u loo lamayaan.

1/15/2021 6:24 AM EST
Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Isku soo bixi ugu ballaarnaa taariikhda inta la xasuusto oo ay dhigeen maamulka, shacabka iyo waxgaradka degmada ayeey ku dalbadeen dadka reer Xudur in laga dulqaado cunqabateynta muddada dheer saaran magaalada.

1/15/2021 1:53 AM EST
Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abdirisaaq Abuubakar ayaa ku eedeeyay dowlad gobolleedyada Punltand iyo Jubbaland in aysan raali ka aheyn in dalkan doorasho ka dhacdo.

1/15/2021 12:18 AM EST
Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Wararka laga helayo deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30km u jira degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaal kooban oo xalay halkaa ka dhacay kula wareegeen xoogagga Ururka Al-shabaab.