4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2021
Wararkii ugu danbeeyay doorashada Uganda

 

Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha tallada haya ee dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku horeeya codadka ilaa iyo hadda la tiriyay isaga  waxaana ku soo xigga fannaanka da'dada yar ee sida weyn ay u loo lamayaan.

Mr Museveni ayaa helay 1,536,205 codad ah (65.02%), halka ninka ay is hayaan ee Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaanno Bobi Wine, uu heysto 647,146 codad ah (27.39%) kuwaasoo laga soo ururiyay ila 8,310 oo goobaha codbixinta ah.

Taageerayaasha Ninka lagu magacaabo Robert Kyagulanyi laakiin loo yaqaan Bobi Wine oo ah fannaan da'yar oo dadku aad u jeclyihiin ayeey isku dhaceen ciidanka nabad-galyada, wxaana xabsiga loo taxaabay in badan oo ka mid ah taageerayaasha wakiilka da'da yar ee siyaasada kula loolamaya mid ka mid ah madaxweynayaasha ugu waqtiga dheer qaarrada Africa.

Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa goor sii horreysay xaqiijiyay in natiijada doorashada loo diri doono xarunta tirinta codadka iyadoo intenet-ka laga demiyay dalkaas.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]