4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho

 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) -  Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay iska horimaad maanta ku dhaxmaray deegaanka Jazeera ee dulleedka magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliyeed iyo koox maleeshiyaad oo uu burcad ku tilmaamay.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadka deegaanka ku wargaliyeen in halkaa ay ku sugan yihiin koox burcad ah oo dadka safarka ah dhibaateysa, sidaa daraadeed ciidamadu ku baxeen in ay wax ka qabtaan.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayuu sheegay in labada dhinacba uu soo kala gaaray, laakiin waxaa uu ka gaabsaday tirada khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee iska horimaadka ka dhashay.

Sidoo kale waxaa uu beeniyay in ay jiraan ciidamo militari ah oo goobta kula dagaalamay ciidamada dowladda ee halkaa u taggay in ay wax ka qabtaan kooxda burcada ah sida uu hadalka u dhiggay.

''Ma jiraan ciidamo militari ah oo aan ogahay oo halkaa ka dagaalamay, ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed waa ciidan xushmad iyo qadarin ka mudan shacabka Soomaaliyeed, halkaa waxaa lagula dagaalamay kooxo isbaaro dhiganayay, ee ma'aheyn ciidan militari ah'' ayuu yiri afhayeenka.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in hadda goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee halkaa kula dagaalamay kooxo uu ku sheegay in ay ahaayeen burcad.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]