4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Guddoomiyihii gobolka Gedo oo xilka laga qaaday iyo mid kale oo la magacaabay

 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Wasiir Ku-xigeenka Wasaarradda Arrimaha Gudaha maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen  ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Gedo.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka ayaa xilkii guddoomiyaha gobolka looga qaaday Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu waxaana xilkan loo magacaabay Axmed Buule Gareen.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Macalimuu ayaa gobolka maamulayay tan iyo markii halkaa la geeyay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gobolka Gedo ayaa ah xudunta khilaafka ugu weyn ee ka taagan doorashada Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay la wareegtay guud ahaanba maamulka gobolka Gedo,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]