4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Kongreska Mareykanka oo intiisa badan isku raacay soo jeedinta ah xilka qaadista Donald Trump

 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Kaddib fadhi iyo dood adag oo ay ka yeesheen arintan xubnaha Kongreska dalka Mareykanka ayeey intooda badan isku raaceen soo jeedinta ah in xilka laga qaado madaxweyne Trump 

Nancy Pelosi oo ah Afhayeenka Aqalka ayaa sheegtay in mar kale goluhu isku raacay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Trump oo eedeymo badan loo soo jeediyay, gaar ahaan in uu ka shaqeynayo '' Kicin Dadweyne''

ilaa 232 mudane oo ka tirsan Kongreska ayaa isku raacay soo jeedinta, kuwaa oo dhinaca kale ku eedeeyay madaxweynuhu in uu ku fashilmay gudashada waajibaadkii loo idmaday.

Xildhibaannada u codeeyay qoddobkan ayaa waxaa ka mid ahaa ilaa 10 xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump uu hoggaamiyo.

Go'aanka uu gaaray Aqalka Hoose ee Kongreska Mareykanka ayaa la filayaa in loo gudbiyo Aqalka sare si iyaguna ay uga dooddaan kaddibna go'aan uga qaataan soo jeedinta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]