4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021
Dowladda Federaalka oo u digtay dadka cadaallada u doonta Maxkamadaha Al-shabaab

 

Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Cadaallada Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa u digay dadka cadaallada u doonta Maxkamada Al-shabaab ee ka dhisan deegaannada ka baxsan dhulka ay dowladdu maamusho.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in marnaba Dowladda Federaalka arintaa aqbali karin iyadoo qofka lagu helo loo aqoonsanayo danbiile sharcigana la horkeeni doono.

" In Cadaallad Shabaab Loo raadsado waa dambi qof alaale qofkii cadaalad ka raadsadana waa dambiile in sharciga la horkeeno ay tahay " ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay in Dowladda ku dadaashay dhismaha hay'addaha Garsoorka dalka dib u habeyn weyn lagu sameeyay, sidaa daraadeed loogana baahan yahay dadka in ay ku kalsoonaadaan hay'adahooda cadaallada.

Shacabka Soomaaliyeed ay waajib ku tahay in ay la dagaalamaan Al-shabaab halkii ay cadaallad u raasan lahaayeen.

''Cadaallada Al-shabaab waan aragnay waa tanay maalin kasta dadka lagu leynayo, Qaraxyada loo adeegsanayo, oo Wiilasha iyo Gabdhaha Soomaaliyeed oo ay dileen aan la tacaamuleyno Waalidiintooda. marka waxey mudan yihiin in lala dagaalamo'' ayuu yiri Wasiirka Cadaallada Soomaaliya.

Dad badan oo ku nool deegaanada ay gacanta ku heyso ayaa maalin kasta ku xukuntama Maxkamada ay maamulaan Al-shabaab, iyaga oo u muuqda kuwo aan wax kalsooni ah ku qabin hay'addaha Garsoorka Dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]