4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo ka hor yimid go'aankii la sheegay in lagu kala diray maamulka Rugta Ganacsiga

 

Talaado, Janaayo, 12, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in aan  lala socodsiin go'aanka Wasiirka Ganacsiga  Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar  uu ku kala diray maamulkii Rungta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Ilo xog ogoaal ah oo la hadlay HOL ayaa u sheegay in Ra'iisal Wasaaruhu warkan ka dhax sheegay kulan warbaahinta madaxa-banaan  uu kula yeeshay xafiiskiisa oo su'aalo dhowr ah ka weydiiyay marxalada uu dalku marayo.

''Rungta ganacsiga lama kala dirin mana hayo warka arintaa ku saabsan, wixii khilaaf ah ee arintan ka dhax jira waa la xalinayaa, laakiin anniga wax leygu wargaliyay oo ku saabsan kala dirista maamulka Rugta Ganacsiga ma jiro'' ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Rooble.

Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray ku sheegayi n la kala diray dhamaanba maamulkii Rungta Ganacsiga, isaga oo si KMG u magacaabay guddi cusub oo shaqada sii waddi doona, laakiin waxaa arintaa ku gacan seyray guddiga la sheegay in la kala diray oo ku tilmaamay arin aan sharci aheyn.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]