4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Qaramada Midoobay oo ka digtay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Uganda
 

Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Uganda xilli walaac laga muujinayo suurtagalnimada in la helo doorashooyin baarlamaan iyo madaxtinimo oo xor iyo xalaal ah dabayaaqada toddobaadkan.

Doorashooyinka qaran ee Uganda waxaa hareeyay rabshado sii kordhaya, xadgudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ah, iyo xayiraad lagu soo rogay musharixiinta iyo taageerayaashooda.

Afhayeenka Hay’ada Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha Ravina Shamdasani ayaa sheegtay in xaalada sii xumaaneysa ee xuquuqda aadanaha ee dalka ay u badan tahay inay dadka ka niyad jabiso inay wax doortaan.

Ravina Shamdasani waxay sheegtay arrimahan in ay sare u qaadayaan in qalalaase sii socdo doorashada kadib.

Bartamihii bishii Nofeembar, xariggii labada murashax madaxweyne ee mucaaradka, Bobi Wine iyo Patrick Oboi Amuriat, iyo xubno ka tirsan mucaaradka siyaasadeed ayaa horseeday rabshado iyo mudaaharaadyo dalka oo dhan ka dhacay. Ugu yaraan 54 qof ayaa la dilay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]