4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Qarax dhimasho iyo dhawac sababay oo lala eegtay ciidamo Keenyan ah

 

Talaado, Janaayo, 12 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo Kenyaan ah oo marayay deegaanka lagu magacaabo Husungoow.

Dad ku sugan deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maqleen dhawaqa Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lagu bartilmaameedsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo Kenyaan ah.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxan oo dhacay maalintii shalay waxey sheegeen in ay ku dileen ilaa 7 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya.

Hasse ahaatee dhinaca saraakiisha ciidanka Kenya wax war ah kama aysan soo saarin qaraxan lagu weeraray ciidankooda.

Ciidamada Kenya ee qaraxu qabsaday ayaa la sheegay in ay furreen rasaas aad culus lamana sheegin dad shacab ah oo wax ku noqday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]