3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2021
Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Ilaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay  fiidnimadii Axadda  weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen  xoogagga Al-shabaab saldhig ay ku lahaayeen ciidanka dowladda gobolka Shabeellada Dhexe.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Al-shabaab  ay weerareen ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo fariisin ku lahaa  degmada Balcad  halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado kooban socday.

Warka ku saabsan geerida askarta waxaa xaqiijiay saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waana qeyb ka mid ah weerarrada joogtada ah ee kooxda ay ku bartilmaameedsaneyso saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda.

Dhawaan ayeey aheyd markii qof ismiidaamiye ah uu weerar ku qaaday dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho Afgooye halkaasoo uu ku diay tiro dad ah oo ay ka mid ahaayeen Injineerro Turkish ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
1/11/2021 3:11 PM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL)- Waxaa maalmahan magaalada Jigjiga ee DDS laga dareemayay sare u kac qiimaha maciishada daruuriga ah, taas oo dadka degaanku aad uga walaaceen.

1/11/2021 10:14 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya islamarkaana ah musharax u taaggan xilka madaxweyaha Soomaaliya Prof Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa dowladda ku eedeeyay caburin aan loo meeldayin oo shacabka iyo mucaaradkaba ay kula kaceyso.

1/11/2021 8:03 AM EST
Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta xabsi kuyaala Garowe u dhaadhicisay weriye lagu magacaabo Kilwe Aadan Faarax oo muddo 15 cishe ah gacanta ugu jiray hay’addaha nabad sugida Puntland.

1/11/2021 6:11 AM EST
Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) - Isimada Puntland ayaa baaq kasoo saaray khilaaf siyaasadeed ee ka taagan arrimaha muragaysan ee doorashada Soomaliya, kadib markii ay Garowe kulan kula yeesheen madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

1/11/2021 5:34 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey James Swan,

1/11/2021 2:47 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Saraakiisha Amniga magaalada Woqooyiga Itoobiya ku taal ee Mekelle ayaa walaac ka muujiyay amni darada ka jirta magaalada iyadoo mid ka mid ah saraakiishan uu sheegay in dumar lagu kufsaday toddobaadkan magaalada. xili magaalada ay ku jirto gacanta ciidanka federaalka Itoobiya.

1/11/2021 2:25 AM EST
Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) -Dowladda Itoobiya tan iyo markii ay soo afjartay dagaalkii gobolka Waqooyiga ay kula gashay xoogagga Tigrayga, waxaa ay ku raad joogta sidii ay gacanta ugu soo dhiggi laheyd saraakiisha sar sare ee TPLF ee ku lugta lahaa qalalaasaha

1/11/2021 12:58 AM EST
Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) -Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle iyo xubnaha midowga Musharixiinta oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga doodday go'aankii ay dhawaan xukuumaddu qaadatay ee ahaa qabashada doorasho aan loo dhameyn.