4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2021
Wasiiru-Dowlaha Wasaarradda Arrimaha Dibadda DFS iyo James Swan oo kulan yeeshay

 

Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Soomaaliya  ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey  James Swan,

Labada mas'uul ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashi wadaagga iyo kordhinta kaalmooyin waxtar leh oo ah mid bani’aadannimo iyo horumarin iyadoo la taageerayo barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka baarlamaaniga iyo madaxtinimada lagu qabto waqtiga loo qorsheeyay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe dib-u-habeyn ah oo ku qotoma amniga, caddaaladda, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed si loo daboolo baahiyaha iyo himilooyinka shacabka,

Waxaa uu intaa ku darray in   dowladdu ay la tashiyo la yeelatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo daneeyayaasha kale, taas oo ah horumar siyaasadeed oo gudaha ah. Wasiiru dowlaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo muddo xileedka dastuurku qeexayo si hore loogu socdo, loogana fogaado waqti luminta, qas iyo qalaanqal-abuuridda iyo is-hortaagidda horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhanka nabadda iyo barwaaqada.

Kulanka Wasiiru--Dowladda iyo Wakiilka Qarramada Midoobey  waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]