4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2021
Kufsi laga soo sheegayo magaalada Mekella oo dhawaan ay la wareegeen ciidanka Federaalka Itoobiya

 

Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Saraakiisha Amniga magaalada Woqooyiga Itoobiya ku taal ee Mekelle ayaa walaac ka muujiyay amni darada ka jirta magaalada iyadoo mid ka mid ah saraakiishan uu sheegay in dumar lagu kufsaday toddobaadkan magaalada. xili magaalada ay ku jirto gacanta ciidanka federaalka Itoobiya.

Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed  ayaa ku dhawaaqday in ay ku guuleysatay dagaalkii ay la gashay xisbiga gobolka Tigree kaddib markii ay qabsatay Mekelle ee xarunta u aheyd oo ay ku nool yihiin Nus milyan qof

Inkastoo Dowladda ay tiraahdo  waxaan soo celinaynaa sharciga iyo kala dambaynta, Haddana dhinaca kale  hay'adaha gargaarka, dadka deegaanka iyo Qaramada Midoobay waxaa ay ka walaacsan yihiin xasillooni-darrada ka jirta magaalada.

Kulankii Jimcihii ka dhacay magaalada Mekelle ee laga sii daayay TV Dowladda Itoobiya ee ETV,  ayaa waxaa ka soo muuqday Nin ku labisnaa dareyska ciidanka militariga Itoobiya kaasoo ka hadlayay xadgudubyada soo noqnoqda ee lagula kaco haweenka.

“Waan careysnaa shalay.. maxaa haween loogu kufsadaa magaalada Mekelle?  Wax laga naxo ma ahaan laheyn haddii ay arrintani dhici laheyd intii lagu gudajiray jiray dagaalka maxaa yeelay  lama maareyn karin waana wax la filan karay,.. Laakiin haweenka ayaa la kufsaday shalay iyo maanta xili ay magaaladan joogaan Booliiska deegaanka iyo kuwa Federaalka, waxaan u baahannahay inaan wada shaqeyn dhaxdeena ah yeelano'' ayuu yiri 

Lama sheegin cid kufsaneysa haweenka magaalada Mekella, hasse ahaatee carrada ugu weyn ayaa ka dhalatay in arrimahan oo dhan dhacayaan xili magaalada ay la wareegtay dowladda.

Dowladda iyadu arintan jawaab toos ah kama aysan bixin, balse marar badan oo hore ayeey sheegtay in ay hay'addaha Amnigu u xilsaaran yihiin ilaalinta iyo sugida amniga dadka rayidka ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]