4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2021
Cudurka Covid 19 oo fara ba'an ku haya wadamada Qaarrada Africa.

 

Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) -  Kiiskaska cudurka Covid 19 ee qaarradda Africa ayaa u muuqda mid sare u sii kacaya iyadoo ilaa iyo hadda Tirada la xaqiijiyay ee COVID-19 ee qaaradda Afrika ayaa gaarayaan  2,986,564 ilaa galabnimadii Sabtida sida laga  xigta xarunta  Afrika ee xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (Africa CDC) ayaa sidaas sheegtay.

Tirada dhimashada ee la xiriirta cudurkan ayaa mareysa qaarrada  71,463, wadar ahaan 2,433,002 qof oo uu ku dhacay COVID-19 ayaa ka bogsadey qaarada oo dhan.

Wadamada Afrika ee ugu badan ee ay saameyay cudurkan ayaa kala ah Koonfur Afrika, oo ah 1,192,570;  Marooko, 450,221;  Tuniisiya, 154,903; iyo Masar, 147,810.

Koonfur Afrika sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa tirada ugu badan ee dhimashada ee la xiriirta COVID-19 ee Afrika, oo ay u dhinteen 34,789.

Dhinaca Itoobiya  waa wadanka ugu saameynta badan bariga Afrika ilaa  iyo hadda kiisaskeeda la xaqiijiyay ee COVID-19 ayaa waxaa ay gaarayaan 127,572 halka  faafitaanka cudurkana uu marayo  ilaa 1,974 ilaa iyo sabtida, sida laga soo xigtay tirokoobyada wasaarada caafimaadka ee Ethiopia.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]