3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2021
Wasaarradda Caafimaadka oo maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay adeegyada caafimaad ee gobolka

 

Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) -Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir adeegyada caafimaadka guud ahaan gobolka Banaadir.

Waxaa munaasabada wareejinta maamulka caafimaadka gobolka Banaadir ka qeybgalay guddoomiye Cumar Maxamed Maxamuud Finish iyo Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah daadajinta qorshayaasha caafimaadka maamulada dalka si markaa adeega caafimaad loogu dhaweeyo dadka.

Howlaha wareejinta maamulka adeegyada caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo xil saaray Guddiyo, kuwaasi oo ka shaqeeyay sida lagu wareejin karo Maamulka Adeegyada Caafimaadka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankooda ka mahadceliyay taalaabadan ay qaaday Wasaarradda ee maamjulka gobolka Banaadir loogu wareejiyay adeegyada caafimaad ee magaalada Muqdisho

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  














Click here
2/7/2021 5:59 PM EST
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Waxa maanta magaalada Jigjiga ka dhacay dibad baxyo waawayn oo lagu taageerayay Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed iyo Xisbiga Barwaaqo, kaas oo ay isugu soo baxeen dadwayne aad u tiro badan oo watay boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo lagu muujinayo taageerada Abiyi Axmed iyo Xisbiga Barwaaqo.

2/7/2021 1:18 PM EST
Axad, Febraayo, 07, 2021 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici), ayaa munaasibad lagu qabtay deegaanka Kaba-dheere, oo duleedka magaalada Burco ah, ka daahfuray dhismaha wado laamiya, oo 184 kiilo mitir ah taasoo isku xidhi doonta magaalooyinka Burco, Oodwayne iyo Hargaysa.

2/7/2021 9:28 AM EST
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii maanta degmadaasi aay la wareegeen ciidamo la sheegay iney horay uga tirsanayeen maamulkii Ahlusunna Waljameeca ee horay uga talin jiray deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Hiiraan.

2/7/2021 9:08 AM EST
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Soomaaliya ayaa ku shirsan magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, kadib markii uu fashilmay shirkii iyaga iyo madaxweynaha Soomaaliya kaga arrinsanayeen khilaafka doorashada.

2/7/2021 7:24 AM EST
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) -Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada C/rashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon kaddib markii gaari uu la socday lagu bartilmaameedsaday qaraxa.

2/7/2021 7:05 AM EST
Axad, Febraayo, 07, 2021 (HOL)- Guddida Xuquuqal Insaanka ee Somaliland ayaa warbixin sanadeed ay soo saareen ku sheegay in tirada kufsiyadda ka dhacay guud ahan Somaliland sanadkii tagay ee 2020 ay dhantahay 142 (boqol iyo laba iyo afartan) kufsi.

2/7/2021 6:27 AM EST
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa mar kale ku celisay codsigeeda ah in dowladda Soomaaliya ay soo saarto sharci lagu joojinayo ku dhaqanka gudniinka fircooniga ah ee dumarka waxyeeleeya.

2/7/2021 5:59 AM EST
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay Hoggaanka Midowga Afrika.

2/7/2021 5:19 AM EST
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Qoraal ay soo saartay, Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka, ayaa lagu bogaadiyay xukun ay maxkamada Hargeysa ku riday 4 kamid ah ganacsatada ka ganacsata Haramcadka ee Somaliland.

2/7/2021 12:47 AM EST
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Waxaa sii xoogeynaya muranka ka dhax aloosan labada dowladdood ee Sudan iyo Itoobiya kaasoo salka ku haya Biyo Xireenka Wabiga Niil oo muddo dheerba soo jiitamayay.

2/7/2021 12:10 AM EST
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday guriga taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

2/7/2021 12:05 AM EST
Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal ayaa qoraal uu saaray uga hadlay fashillka uu ku soo dhamaaday shirkii madaxda Soomaalida uga socday magaalada DhuusaMareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug, kaa oo qorshuhu ahaa in lagu xaliyo khilaafka iyo ismariwaaga ka taaggan hergalinta doorashooyinka dalka.