4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Qarax ka dhacay ilinka hore ee saldhiga degmada Xamarweyne

 

Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) -  Wararka ka imanaya degmada Xamar weyn ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qarxa oo ay ciidamadu ku war heleen uu ku tuuray meel aan ka fogeyn saldhig degmada Xamar weyne jaakadii qaraxa ee uu xirnaa,

Ciidamada ayaa la sheegay in qofkan ay ka heleen in uu damacsanaa qarax hasse ahaatee markii danbe ciidamada oo eryana uu jaakadii uu xirnaa ee qaraxa uu ku tuuray ilinka hore ee saldhiga degmada Xamar weyne gaar ahaan meel aan ka fogeyn goob ganacsi uu ku dhaw saldhig.

Inta la xaqiijinayo labo qof oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal ciidan ayaa ku dhaawacmay qaraxan, waxaana ay ciidamadu gacanta ku dhiggeen qofkii doonayay in uu is qarxayo laakiin iska furay jaakadii xirnaa.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa boggiisa Tawitter  qoraal uu soo dhiggay uga mahad celiyay ciidamada sida ay uga hortageen qof isku soo xiray waxlaha qaraxa oo doonayay in uu wax yeelo geysto, waxaana uu xaqiijiyay dhaawaca sarkaal ka tirsan Booliiska.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]