4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
Midowga musharixiinta oo mar kale ku baaqay dibadbax Jimcaha ka dhacaya Muqdisho

 

Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) -Midowga musharixiinta oo goor dhaw shir jaraa'id ku qabtay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale ku baaqay dibadbax ka dhici doona fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Shirkooda jaraa'id ayaa lagu sheegay in dibadbaxan uu noqon doono mid ay dadka shacuurtooda ku muujinayaan, islamarkaana lagu diidan yahay xukunka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Baaqan ayaa imanaya xili Jimcihii aynu soo dhaafnay dowladda Soomaaliya is hortaag ku sameysan dibadbax sidan oo kale ay ugu dhawaaqeen midowga musharixiinta dalka, kaddib markii ay ciidamada dowladda rasaas ku kala eryeen dad kooban oo isku dayay in ay isku soo bax ka dhigaan waddada gasha garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ka mid ahaa dadkaasi siyaasiyiin uu ka mid ahaa Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]