4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2021
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay kiisaska cusub ee Caabuqa Covid-19
 

Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii ugu dambeyay ee Caabuqa Cudurka Covid-19 ee guud ahaan dalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay laga baaray xanuunka Covid-19 guud ahaan wadanka dad gaaraya 936 ruux waxaana kiisaska laga helay gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Xanuunkan Covid-19 ayaa si aad ah uga soo laba kacleyay gudaha dalka Soomaaliya bishan dhexdeeda waxaana dadka ugu badan ee cudurkan uu asiibayo aay ku nool yihiin magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Tirada laga baaray guuda ahaan wadanka 24-kii saac ayaa nootay 936

– Laga Helay:   128

– Banadir:         110

– Jubbaland:        8

– Somaliland:    6

– Koofur Galbeed   3

Galmudug:     1

– Lab:           75

– Dhedig:      53

– Dhimasho:    8

– Bogsashada:  7

– Tirada Guud ee Laga Helay: 6,017

– Bogsashada Guud: 3,764

– Dhimashada Guud: 202

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]