4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2021
Maalinta dhagaxtuur ka ee UFO oo Somaliland laga xusay


Sabti, Febraayo, 20, 2021 (HOL)- Maalinta dhalinyarada Somaliland ee UFO, oo ah maalintii ay dhalinyaro ciyaal iskuul iyo aqoonyahan ahaa, ay dhagax kula dagalameen taangiyadii dawladii milatariga ahayd ee Siyaad Barre 20/ Febraayo 1982, ayaa laga xusay magalada Hargaysa.

Maalinta dhalinyarada Somaliland ee UFO, oo sanad walba 20 bisha Febraayo laga xuso, Somaliland, ayaa maanta xus loogu sameeyay magaalada Hargaysa, waxana ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, aqoonyahan, qaar kamida dhalinyaradii UFO iyo madaxkale.

Sidookale dadwaynihii ka qayb galay xaflada xuska maalinta dhalinyarada, ayaa ubax dhigay taalada dhagaxtuurka ee Hargaysa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka sheekeeyay taariikhda maalintan, iyo siday ku timid.

“Taageeradii ay dhalinyaradu taageertay dawladii shuuciga ahyd, oo ay kamid ahayd iskaa wax u qabsadii oo dhalinyarada laftoodu soo jeediyeen, si ay caafimaadka u wanaajiyaan, oo ay waxbarashada u wanaajiyaan, tii baa loo rogay in ay kacaan diid yihiin, oo ay dawlada ka hor imanayaan,taasi waxay keentay in markaa ay dhalinyaradii dhagax qaataan, in ay halgan bilaabaan, in lagu dilo, iyo in lagu dhaawaco. Intii ku dhimatayna Alle ha u naxariisto, inta maanta noolna waynu xusaynaa, oo waynaga maanta u joogna, karaamadooda, sharaftooda iyo meeqaam kooday leeyihiin”. Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Madaxdii iyo dadwaynihii kasoo qayb galay xaflada xuska maalinta dhalinyarada Somaliland, ayaa dhamantood ka sheekeyay muhiimada maalintan isla markaana dhalinyarada siiyay guubaabo iyo talooyin.

“Cadaw gudaha ah, kabaqi mayno, oo maanta Somaliland gudaheeda cadaw iskuma aha, ee laakin cadawga dibada in ay nu ka foojignaano ayay nu u baahanahay, waad aragtaan waxa hareerehena ka socda, Muqdisho oo ugu danbaysay shalay wixii ka socday waad arkayseen, doorashooyinkii bay ku heshiin laayihiin, inaguna doorashooyinkii baynu u hub qaadanay oo aynu ka midaysanahay, Soomaaliya danbe oo lagu noqonayaa ma jirto, midnimadeena aan adkaysano wadajir keena aan adkaysano, hore aynu u socono.” Xogeeyaha guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax.

“Dhalinyaro maalintan inaga leh, inaga waynayn karna, dawladu waxay ina siin kartaa uun hawl fududayn, lakiin hadaynu soo baxno, oo inagu aynu dariiqyada xidhno, oo aynu socono, beerta xoriyadu way buuxsami lahayd, lakiin waxan ka codsanayaa in dawladu ay iskuulada fasaxdo oo maalin qaran ay noqoto, macalimintii iyo ardaydii maalintaa dhagaxtuurka ku dhimatay waxay u dhinteen inaga daraadeen iyo ciideena iyo dhulkeenu in uu horumaro”.  Guddomiyaha ururka 20 ka Feebarwari Cabdirisaaq Xaaji Yaaxeen.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]