3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2021
Midowga Musharixiinta oo sheegay in aysan joojin doonin dibadbaxyada

 

Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -War Qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayeey ku sheegeen in aysan joojin doonin dibadbaxyada ka dhanka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ayeey ku sheegeen in ay siweyn u cambaareynayaa gaboodfalka sida ay hadalka u dhiggeen dowladda waqtigeedu dhamaaday ku weerarreen musharixiinta xilka madaxweynaha iyo dad shacab ah oo bannaanbaxayay.

“Waxaan horrey u aaminsaneyn haddana noo caddaaday in Madaxweyne hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka aheyn inuu galo doorasho loo siman yahay, waxay maaweelayaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in awoodda dalka xoog ku heysan karo sharci darrana ku sii joogi karo”

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    

 
















Click here
2/20/2021 2:15 PM EST
Sabti, Febraayo, 20, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa u duceeyay dadkii ku waxyeelobay mudaharadkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, sidookale wuxu dadka reer Muqdisho ugu baaqay in ay iska xoreeyaan madaxwayne Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

2/20/2021 1:42 PM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -Waxaa caawa ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho alle ha u naxariistee Xaaji Daa'uud Cilmi Cariif. Xaajiga ayaa u geeriyooday cudurka COVID-19.

2/20/2021 11:54 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 48 saac ee lasoo dhaafay cudurka Covid-19 laga helay 257 qof, halka ay sidoo kale u geeriyoodeen 15 qof oo ku jiray isbitaalka Martiini.

2/20/2021 10:15 AM EST
Sabti, Febraayo, 20, 2021 (HOL)- Maalinta dhalinyarada Somaliland ee UFO, oo ah maalintii ay dhalinyaro ciyaal iskuul iyo aqoonyahan ahaa, ay dhagax kula dagalameen taangiyadii dawladii milatariga ahayd ee Siyaad Barre 20/ Febraayo 1982, ayaa laga xusay magalada Hargaysa.

2/20/2021 8:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -Shaqaale caafimaad ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari lagu dilay iska horimaadyadii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ku dhawaad 10 ruux oo rayid ahna ku dhaawacmeen.

2/20/2021 7:41 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa sheegay in xaaladda garoonka diyaaradaha Muqdisho ay tahay mid wanaagsan duulimaadyaduna sidii caadiga ahayd ugasoo dagayaan.

2/20/2021 7:31 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) - Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ku heshay shirkada Favori LLC ee maamusha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ku tumasho xuquuq shaqaale, kadib markii sharci yaqaanada Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) ay kusoo eedeeyeen ku xadgudbida xuquuqda mid kamid ah shaqaalaha xoogsatada ah ee shirkadda u shaqeeya.

2/20/2021 4:34 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -Jubbaland ayaa sheegtay in ay qiimeyn ku sameyn doonto xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ka hor ka qeybgalka shirka uu dhawaan ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2/20/2021 12:23 AM EST
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -Urur gobolleedka IGAD ayaa cambaareeyay iska horimaadyadii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaddib markii ay dowladdu is hortaagtay mudaaharaad ay qorsheynayeen in ay dhigaan midowga mushariixintu.