4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Faahfaahin ku saabsan xaaladdihii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho
 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa caawa laga dareemayaa kacsanaan ah, iyadoo ciidamo daacad u ah musharrixiinta iyo ciidamada dowladda isku hor fadhiyaan qeybo badan oo Muqdisho katirsan, taasoo shacabka walaac xoogan ku beertay.

Cabsi weyn ayaa laga muujinayaa in ay isku dhacaan labada ciidan, inkastoo ay socdaan dadaalo kala duwan oo looga hortagayo in ay Muqdisho lugaha la gasho rabshshado colaadeed oo haddii ay bilowdaan adag tahay in la xakameeyo.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhegta u taagaya guuxa gaadiidka dagaalka oo lasoo dhoobay inta badan isgoysyada ugu waawayn Muqdisho. Sidoo kale wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada ayaa dadweynaha jahwareeriyay.

Salaadiinta dhaqanka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta ka sheegay in ay madaxweyne Farmaajo la kulmeen kana codsadeen inay dowladdu oggolaato mudaharaadka musharrixiinta qabsanayaan, si looga baaqsado colaad.

Waxay sheegeen in madaxweynuhu aqbalay baaqooda, islamarkaana sidoo kale ay golaha musharrixiinta la kulmeen kalana hadleen in mudaharaadkooda uu ku ekaato doonitaankooda ah in doorashada si degdeg ah loo qabto.

Warar kale oo aan helayn waxay sheegayaan in raysal wasaaruhu iskudayayo inuu musharrixiinta ku qanciyo in mudaharaadka la baajiyo ayna dowladda kala hadlayso tabashada ay ka qabaan arrimaha doorashada ee cakiran.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]