4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Prof Cabdi Ismaaciil Samatar '' Shirka Baydhabo laguma heshiin ee waa naloo heshiiyay

 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlay shir jaraa'id oo magaalada Muqdisho  uu ku qabtay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa si gaar ah isku dul-taagay shirkii dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Baydhabo.

Prof Samatar oo ka mid ah Aqooyannada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa ku tilmaamay shirkii Baydhabo sida uu hadalka u dhiggay mid lagu dulmay xuquuqda gobollada Waqooyi, isaga oo fariin u dirray bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir.

''Waxaan maqalnay Baydhabo waa lagu heshiiyay, waxaan leenahay Baydhabo laguma heshiin ee waa naloo heshiiyay haddii aynu nahay dadka Gobollada Waqooyi ee midnimada u taaggan ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho'' ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay dhinacyada ka taagnaayeen mas'uuliyiinta gobollada Waqooyi ee ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Prof Samatar ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir in ay hoos u eegaan sida uu hadalka u dhiggay dulmiga lagula kacayo dadka reer Waqooyi ee ku sugan magaalada Muqdisho, islaamarkaana u hiilayaan si la mid ah ayuu yiri sidii aan ugu hiilanay 1960kii.

Wuxuu sheegay in haddii ay arrimuhu sidan ku sii socdaan wadatashi dib isugu laaban doonaan'' Haddii ay arrimuhu sidan ku sii socdaan oo aan weyno cid ka hadashaa dulmiga la sameynayo, weynu ka tashan doonnaa Annaga oo waliba Midnimada ku mintideyna tallaabo kale ayeeynu qaadi doonaa'' ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Wali waxaa taaggan doodda ku saabsan guddiyada Gobollada Waqooyi ee heer Federaal oo qeyb ka ah khilaafka ugu weyn ee ku hor gudban doorashada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]