4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Fannaankii weynaa Faarax Siidoow Faarax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday alle ha u naxariistee fannaankii weynaa Faarax Siidoow Faarax oo ka mid ahaa fannaaniinta Soomaaliyeed kuwood loogu jeclaa dhinaca Luuqda.

Waxaa uu ka mid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo Qaranka  islamarkaana lahaa heeso iyo suugaan dhaxgal ahaa oo ku jira keydka cajaladaha Radio Muqdisho.

1963-kii ayuu Fannaaka ku soo biiray guud ahaanba Fanka isaga qaaday heeso isugu jira Wadani iyo Jaceyl, heesihiisa ayaa u badnaa kuwo dadka uu ku dhiri-galin jiray shaqada iyo in aan dad kale wax laga sugin.

Laakiin Faarax Siidoow ayaa waayadii ugu danbeeyay isaga fariistay Fanka isaga noqday mu'adin Masjid ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, wiilkiisa ugu weyn carruurta uu dhalay uu hadda yahay macalin Dugsi Qur'aan.

Wareysi uu siiyay mid ka mid ah warbaahinta kol hore ayuu sheegay in uu iska diiday guri laga siiyay Ex Fiyoore oo deegaan u ah inta badan fannaaniinta Soomaaliyeed, isaga oo sidaa u sameeyay in uu carruurtiisa kala fogaado fanka. 

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii Qaranka Allaha u naxariistee, Faarax Siidoow Faarax,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]