4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Hoggaanka Midowga Musharixiinta oo isku diyaarinaya dibadbaxa maalinta Berri ah

 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo la xiriira dibadbaxa maalinta Berri ah lagu waddo in ay qabtaan midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoggaanka ugu sarreeya midowga Midowga Musharixiinta oo isku diyaarinaya dibadbaxa maalinta Berri ay ayaa degay hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Hotelkan ay deggeen hoggaanka midowga musharixiinta ayaa ku dhaw taalada Daljirka Dahsoon ee balantu tahay in maalinta Berri ah ay isugu taaggaan taageerayaasha mucaaradka, waxaana wararku sheegayaan in amaanka hoteelka ay sugayaan ciidamo gaar ah oo daacad u ah siyaasiyiintan.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan Muqdisho ka wada dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo ka dhan ah dowladda, waxaana ay shaaciyeen inuu dhacayo dibad-baxa, iyaga oo sidoo kal ugu baaqay ciidanka ammaanka in aysan ku dhex-milmin arrimaha siyaasadda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay ka digtay in magaalada lagu qabto isku soo bax dadweyne iyadoo laga fogaannayo faafitaanka cudurka Covid19 oo ay dowladdu sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay uu siweyn u soo laba-kacleeyay.

Sidoo kale dibadbaxa maalinta Berri aya ku soo beegmaya xili habeenimadii xalay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  uu ku baaqay shir ka furmaya 18-19 bishan magaalada Muqdisho kaasoo ay ka soo qeybgali doonaan madaxda dowlad gobolleedyada dalka iyo gobolka Banaadir loogana arinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Dadka reer Muqdisho ayaa siweyn u hadal haya dhaqdhaqaaqyadan iska soo horjeeda ee ka socda magaalada Muqdisho iyo waxa ka dhalan-kara qabashada dibadbaxa maalinta Berri ah iyo diidmada dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]