4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo shir ka dhicidoono Muqdisho isugu yeeray dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir
 

Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo oo ka duulaya talooyinkii ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo, ayaa shir iskugu yeeray Dowlad Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, wuxuuna socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay shirkan inuu saldhig u yahay talo-soo jeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyay Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbahana u xaaray qabsoomidda doorasho.

Shirkan uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay ayaa kusoo aadaya xilli Midowga musharrixiinta madaxweynaha ay jimcaha u ballansan yihiin in ay dhigaan mudaharaad ay kagasoo horjeedaan madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Qaar kamid ah Midowga musharrixiinta oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ayay wararku sheegayaan in ay dageen hotel naaso-hablood oo aad ugu dhow fagaaraha daljirka dahsoon, iyagoo ciidamo badan geeyay halkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]