4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Guddoomiyaha aqalka sare oo beeniyay in wax heshiis ah laga gaaray doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi
 

Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa beeniyay in wax heshiis ah laga gaaray hannaanka loo marayo doorashada xildhibaanada kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo soo saaray qoraal ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa in ay faafiyeen warar xaqiiqada ka fog oo ku saabsan in ay dhexdooda heshiiyeen oo guddigii loo qeybiyay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhinaca kale sheegay in aanay jirin labo garab oo reer waqooyi ah oo isku haya doorashada, balse dhibaatada jirta ay tahay damac laga raadinayo dib u  soo noqoshada madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay in ay doonayaan xaqa ay u leeyiin ka qeyb galka kulamada dambe ee looga hadlayo xal u helida arrimaha ku gadaaman doorashada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]