4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 31, 2021
Koonfur Galbeed oo sheegtay in khilaafka madaxda dalka uusan saamayn ku yeelandoonin socoshada doorashada golaha shacabka
 

Jimco, December, 31, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galaya madaxda dowladda uusan saamayn ku yeelandoonin hab sami u socodka doorashada golaha shacabka.

Wasiirka warfaafinta Koonfur galbeed, Ilyaas Cali Nuur, ayaa sheegay in maaamulkooda uu ka go’an yahay in aan doorashada loo joojin khilaafka soo kala dhexgalay madaxda ugu saraysa dalka dartooda.

Ilyaas Cali Nuur ayaa sheegay madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu kula dardaarmay golihiisa wasiiradda in aan lagu mashquulin arrimaha Muqdisho ka jira, lana dardar galiyo sidii doorashada loo gabagabayn lahaa.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa ka hor yimid shirka wadatashiga ee uu raysal wasaare Rooble ku baaqay, isagoo sheegay in raysal wasaaruhu fara galin joogto ah ku hayo doorashada Koonfur galbeed.

Lama oga waxa iska beddeli doono mowqifka madaxweynaha Koonfur Galbeed, xilli ay madaxweynayaasha dowlad goboleedyadu ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, halkaas oo la filayo in ay kaga qeyb galaan shirka golaha wadatashiga.

Beesha caalamka ayaa taageeraysa shirka golaha wadatashiga qaran, si looga arrinsado wax ka qabashada walaacyada doorashada, waxayna xitaa la xiririireen madaxweyne Farmaajo, iyagoo u sheegay inuu taageero dadaallada raysal wasaare Rooble.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online