4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 31, 2021
Hay'adda nabad sugida qaranka ee NISA oo ciidamadeeda uga digtay in ay ku dhex milmaan arrimaha siyaasada
 

Jimco, December, 31, 2021 (HOL) - Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa soo saartay digniin ay ciidamadeeda uga digayso inay ku milmaan Siyaasadda iyo in la siyaasadeeyo waajibaadka Ciidamada.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah go’aanno maalmihii la soo dhaafay ka soo baxayay Talisyada ciidanka xoogga dalka iyo Booliska, kuwaas oo ay ciiddamada qalabka sida ee ay xukumaan uga digayay inay ku milmaan siyaasadda.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ay tixgalinayso baaqyo ka imaanayay shacabka Soomaaliyeed oo ah in Ciidamada dhexdhexaad ka noqdaan  siyaasadda.

Xiisado ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ayaa saamayn ku yeeshay arrimaha ciiddamada.

Raysal wasaare Rooble ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in ciiddanka qaranka uu adeegaday in lagu afgambiyo dowladnimada haatan jirta islamarkaana dalka dib loogu celiyo fowdo iyo kala dambayn la’aan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online