4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 31, 2021
Somaliland oo meel adag iska taagtay qoraal ay baahisay hay'adda UNICEF
 

Jimco, December, 31, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa jawaab kulul ka bixisay qoraal, ay baahisay hay'adda caruurta adduunka ee UNICEF, kaasi oo ay magaalada Borama ku sheegtay gobol Soomaaliya ka mid ah.

Qoraalka oo lagu baahiyay barta Twitterka ee hay'adda ayaa markiiba laga saaray, kadib markii ay Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland ugu hanjabtay in ay talaabo ka qaadayso hay'adda iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa.

"Qoraalka  hay'adda ay UNICEF ka qortay ololaha COVID19, ee ay Boorama u nisbaysay Soomaaliya waxa ay ka hor imanaysaa qaabka wada shaqayneed ee ka dhexeeya QM iyo dowlada Somaliland, waxa ay meesha ka saaraysaa kalsoonida, waana wax aan la aqbali karin!" Ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada arrimaha dibada.

"Wasaarada arrimaha dibada Somaliland waxay si rasmi ah u soo gudbin doontaa arrintan iyada oo loo marayo marinada ku habboon".

Qoraalkan ayaa tan iyo markii ay hay'adda UNICEF Soogalisay bogeeda Twitter, cadho ka dhex abuuray bulshada Somaliland ee aaladan isticmaasha. Dadka ayaa soo qorayay erayo ay kamid yihiin "UNICEF laag halagaga saaro waddanka", halka qaar kale la haayeen "UNICEF dagaal Somaliland ka dhan ah ayay ku dhawaaqday".

Qoraalka oo ay hay'addu baahisay laba cisho ka hor, ayay kaga hadlaysay qaybo kamid ah bulshada Borama oo qaatay tallaalka Covid-19, iyadoo Borama u nisbaysay magaalo Soomaaliya ku taala "Bulshada ku dhaqan magaalada Borama ee Soomaaliya ayaa qaadanaya tallaalka Covid-19".

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]