4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Dhageysiga Maxkamadeynta Askar loo heysto dilkii Sakariye iyo Sowdo oo Walaalo ahaa oo maanta bilaabatay
 

Khamiis, December, 30, 2021 (HOL) - Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta bilaawday dhageysiga dacwada kiiska dil bilowgii bishan Decembar loogu geystay magaalada Muqdisho Sakariye iyo Sowdo oo ahaa laba walaalo ah.

Dilka labadaan walaalaha ahaa ayaa ka dhacay xili habeen ah isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, iyagoo saarna mooto Bajaaj, waxaana loo haysta dilkooda laba askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Dayax Nuur Cabdi Aadan iyo Cabdiwaayeel Macalin Aadan Kanadiid.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa dalbaday in dable Cabdiwaayeel Macalin Aadan Keenadiid loo ciqaabo dilka uu geystay, islamarkaana Dayax Nuur Cabdi loo ciqaabo anshaxa wada marista iyo Nabadgalyada guud ee uu qalqal galiyay.

Garmaqalka kiiska dacwada labadan askari ee loo haysto dilka Marxuumiinta isla dhashay ee Sakariye Maxamuud iyo Sowda Maxamuud waxaa goobjoog ka ahaa ehalada labada dhinac iyo daneeyayaal kale iyo waliba askar ka tirsan ciidanka gorgor oo la sheegay iney tusaale u tahay askartan kiiska loo heysto iyo ineysan ku xadgudbin bulshada ay u adeegayaan.

Gabagabadii guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamada oo waqti dheer qaatay, isagoo sheegay in kiiskaan ay Maxkamadda go’aan kasoo saari doonto.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online