4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay sharci jabin
 

Khamiis, December, 30, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in uu sharciga ku tuntay, ku dhawaaqista furista ururada siyaasada awgeed.

Xirsi ayaa sheegay in Somaliland la aqoonsanayn, lakinse caalamku ixtiraamo sharciga iyo dowlada ay dadka reer Somaliland dhisteen, taa hadan la ilaalina ayna cidna Somaliland usoo joogsan doonin.

"Somaliland dunidu ma aqoonsana, lakinse waxaa laynagu ixtiraama xeerarka iyo dastuurka aynu samaysanay, iyo dowladnimada aynu dhisanay, hadii waxa aynu dhisanay la ixtiraami waayo waa yaabe sidee dunidu inagu aqoonsanaysa" ayuu yidhi Xirsi. "Madaxweynuhu hadii uu isagu sharciga ilaalin waayo ma xisbiyada mucaaradka uun baa ilaalinaya?.

Xirsi oo madaxweynaha eedo badan oo sharci jabin ku lugleh usoo jeediyay, ayaa ku eedeeyay in uu haysto baasboor Jabuutiyaan ah, taasi oo uu sheegay in ay sharci ahaan is hortaagayso in uu madaxweyne-nimo u tartamo.

"Dastuurku wuxuu dhigayaa in shuruudo lagu soo doorto madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, oo ay kamid yihiin in aanu lahayn baasboor ajinabi ah, madaxweynuhu wuxuu haystaa baasboor Jabuutiyaan ah meel uu kaga tanasulayna manaan arag" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sidookale, madaxweynaha ku eedeeyay in uu samaynayo sharci jabinta uu ku eedeeyay Farmaajo "Waxa wax lala yaabo ah in madaxweynuhu uu ka hadlo Farmaajo oo uu ku ceebeeyo wuxuu isagu samaynayo".

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isaga laftiisu haysta, dhalashada dalka Finland, halkaasi oo qoyskiisu daganyahay.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online