4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Maraykanka oo madaxweyne Farmaajo u sheegay inuu taageero shirka golaha wadatashiga ee raysal wasaare Rooble hormuudka u yahay
 

Khamiis, December, 30, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegtay inuu taageero shirka golaha wadatashiga qaran ee raysal wasaare Rooble uu hormuudka u yahay, si loo dhameystiro doorashada.

Maraykanka wuxuu u sheegay madaxweyne Farmaajo in si degdega ah loogu baahan yahay in la joojiyo hadalada sii hurinaya colaadda ayna ciidamada ammaanku ay dhexdhexaad ka ahaan arrimahan.

"Waxaan kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ku taageero raysal wasaare Rooble inuu isugu yeedho golaha wadatashiga qaran, si loo dhamaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo degdeg ah," ayuu yiri uqeybsanaha Maraykanka ee arrimaha Afrika.

Maraykanka ayaa u muuqda mid cadaadis ku saaraya madaxweyne Farmaajo inuu raysal wasaaraha uga dambeeyo arrimaha doorashada. Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadayo kuwa carqalada ku ah wadada nabada ee Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Maraykanka ayaa la hadashay RW Rooble, waxayna u sheegtay taageeradeeda ku aaddan dadaalka uu ugu jiro qabashada shirka wadatashiga qaran si loo saxo khaladaadka doorashada iyo si degdeg ah lagu soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online