4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la qaatay danjiraha UK ee Soomaaliya
 

Khamiis, December, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay danjiraha UK ee Soomaaliya, Kati Foster.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in ay safiirka  UK ay kawada hadleen dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo dhameystirka doorashooyinka.

"Waxaan hoosta ka xariiqnay baahida degdegga ah ee loo qabo xilligan in ay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada ayna tahay xalka kaliya ee Soomaaliya," ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweyne Qoorqoor oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa wada dadaallo la iskugusoo dhoweynayo madaxda qaranka.

Qoor qoor weli ma caddayn mowqifkiisa ku aadan labada shirka ee iskasoo horkeeda ee ay ku kala baaqeen Farmaajo iyo Rooble, shirarkaas oo ay dowlad gobeedyadu ku kala qeybsameen.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa taageeray shirka raysal waaaaraha, halka madaxweyne Lafta gareen uu taageeray shirka madaxweyne Farmaajo ku baaqay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online