4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Al-shabaab oo dagaal kula wareegtay degmada Balcad
 

Khamiis, December, 30, 2021 (HOL) - Warar ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/ dhexe ayaa sheegaya in xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen guud ahaan  degmada Balcad.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar  culus ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin gudaha degmada Balcad, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal aad u xoogana oo markii dambe Al-shabaab u suurta galiyay iney la wareegaan xarumaha maamulka degmadaasi.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in mudadii uu socday dagaalka  in labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus iyo kan fudud intaba, waxaana lasoo wariyay in qoys shacab ahaa gurigooda uu ku dhacay mid ka mid hoobiyaashii la isku adeegsanaayay waxaana ku dhaawacay 5 caruur ah oo la sheegay in laba ka mid ah dhaawacoodu uu halis yahay loona soo qaaday magaalada Muqdisho.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ku dhexmaray degmada Balcad ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab, inkaatoo Alshabaab ay sheegteen in weerarkaasi ay ku qabsadeen guud ahaan xaafadaha degmada Balcad, islamarkaana ay ku dileen hal askari iyo dhaawaca sadax kale.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya degmada Balcad waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay dib ugu soo laabtaan fariisamahoodii, kadib markii halkaasi isaga baxeen dagaalyahanadii Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan dagaalka saakay aroornimadii hore ka dhacay Balcad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online